Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxmuum Cumar Dhalaxow.

Date:

Muqdisho(SNTV):–Guddoomiyaha Golaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Marxuum Cumar Dhalaxow oo maanta gacan ka xaq daran ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

“Allaha ha u naxriisto Cumar wuxuu ahaa wiil dhalinyarro ah oo ka mid ahaa Hawlwadeenada Golaha Shacabka maanta ayaa iyadoo uu soomanyahay Waxaa dilay kooxo manaxyaal oo caadeystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana Alle ka baryayaa in Janatul Fardowso uu ka waraabiyo ,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo, Anaga iyo guud ahaan qoyskiisaba samir iyo iimaan Allaha hanaga wada siiyo, Sidoo kale waxaan Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa Cali Dheere oo marxuumka la socday dhaawacna uusoo gaaray” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Waxaan rajeyneynaa in kuwii ka dambeeyay dilka  xaq darada ah ee loo geystay Marxuum Cumar laamaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan, islamarkaana cadaalada la hor keeni doono”

INNAA LILLAA WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...