Yaa u haray wareegga 2-aad degmooyinka kala metalayay Benaadir iyo Koonfurgalbeed

Date:

Muqdisho (SNTV)- Caawa waxaa isku arkay tartan aqooneedka bisha Ramadan Degmooyinka Xudur iyo Kaxda oo ka kala tirsan Bakool & Benaadir.

Xudur ayaa nasiib u yeelatay in lagu bilaabo su’aalaha, waxaa la weydiiyay 7-su’aal oo loogu tala galay, waxa ay garatay mid kamid ah weydiimihii loogu tala galay iyo labo   fursad oo  ay lumiyeen Bakool waxa ayna  sidaas  ku heleen dhibco gaarayo 6.

Kaxda oo ah degmada la tartameysay Bakaal ayaa si lamid ah la weydiiyay 7-su’aalood, waxa ay garatay  labo kamid ah kuwii ay xaqqa u lahaayeen,  waxa ay si ka faa’ideysi ah u heleen labo kale,  sidaas waxa ay ku aruursadeen dhibco gaarayo 8.

Tartanka caawa Kaxda ayaa nasiib u yeelatay in ay tiigsato wareegga 2-aad halka ay xudur ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.

Habeen dambe tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana  uu taaba gelinayo maamulka Gobalka Benaadir waxaa ku wada ballansan Shangaani iyo Wadajir oo ka wada tirsan Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....