Yaa u haray wareegga 2-aad degmooyinka kala metalayay Benaadir iyo Koonfurgalbeed

Date:

Muqdisho (SNTV)- Caawa waxaa isku arkay tartan aqooneedka bisha Ramadan Degmooyinka Xudur iyo Kaxda oo ka kala tirsan Bakool & Benaadir.

Xudur ayaa nasiib u yeelatay in lagu bilaabo su’aalaha, waxaa la weydiiyay 7-su’aal oo loogu tala galay, waxa ay garatay mid kamid ah weydiimihii loogu tala galay iyo labo   fursad oo  ay lumiyeen Bakool waxa ayna  sidaas  ku heleen dhibco gaarayo 6.

Kaxda oo ah degmada la tartameysay Bakaal ayaa si lamid ah la weydiiyay 7-su’aalood, waxa ay garatay  labo kamid ah kuwii ay xaqqa u lahaayeen,  waxa ay si ka faa’ideysi ah u heleen labo kale,  sidaas waxa ay ku aruursadeen dhibco gaarayo 8.

Tartanka caawa Kaxda ayaa nasiib u yeelatay in ay tiigsato wareegga 2-aad halka ay xudur ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.

Habeen dambe tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana  uu taaba gelinayo maamulka Gobalka Benaadir waxaa ku wada ballansan Shangaani iyo Wadajir oo ka wada tirsan Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...