Tahriibayaal Afrikaan oo Soomaali ay ku jirto oo lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya

Date:

Liibiya(SNTV) Wararka laga helayo Dalka liibiya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashey Rasaas lagu furay dad Tahriibayaal Afrikaan ah oo Soomaali ay kujirto,kuwaasi oo ka soo baxsaday xabsi kuyaalay dalkaasi.

Muqalisiin ku sugan Dalka Liibiya ayaa lagu soo waramaya in ay rasaas ku fureen illaa 100 qof oo tahriibayaal ah,kuwaas oo isku dayay in ay ka baxsadaan meel lagu hayay,waxaana ka dhashey Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Goobta ay wax ka dheceen ayaa ah magaalada Bani Walid ee Dalkaasi Liibiya,waxaana ku dhimatay 15 qof oo kamid ah dadkaasi baxsadka ahaa,iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay illaa 25 qof sida ay soo tabisay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF oo war ka soo saartay dhacdadaasi.

War ay soo saartay Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka midyihiin Soomaali, dad u dhalashay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Wadanka Liibiya ayaa noqotay dalka ugu badan ee laga tahriibiyo dadka doonaya in ay galaan Qaaradda Yurub,hase ahaatee waxaa ay dadku kala kulmaan dhibaatooyin xooggan tahriibkaasi.

Warka hay’adda ayaa intaasi ku daraya in kooxo kala duwan ay kala iibsadeen tahriibayaasha, iyada oo meel lagu haystay muddo 3 sanadood ah,Balse markii ay u adkaysan waayeen ayay isku dayeen in ay baxsadaan, xilligaas oo rasaasta lagu furey.

Kumanaan muhajiriin Afrikaan ah oo Soomaali kujirto ayaa ku dhimatay Badda  loo yaqaano Mediterraneanka oo isku xirta Afrika iyo Yurub,iyagoo baadi goobaya sidii ay u heli lahaa yeen Nolol ka duwan midda dalkooda kajirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...