Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay 10 xubnood oo ka tirsanayd Al-Shabaab

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Bayaan Khamiistii aynu soo dhaafnay kasoo baxay Ciidamada Milliteriga Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday meel 24 Koofur galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho ay ku dileen 10 xubnood oo ka tirsanayd Malleeshiyaadka Al-Shabaab Arbacadii aynu soo dhaafnay.

Taliska U.S. Africa Command  ee (Africom) loo yaqaan ayaa bayaankooda ku sheegay inayan wax dhibaato ah kasoo gaarin Dadka Shacabka ah ee halkaasi ka dhow taxaddarna ay muujiyeen.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli ay xoogagga amniga ee xasilinta Dalka Soomaaliya kordhiyeen bartilmaameedyadooda ay ku ugaarsanayaan argagixisada Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha...

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...