Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Dabdamiska D/Wadajir

Date:

Muqdisho(SNTV):– Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo maanta dhagax dhigay xarunta Gurmadka Deg-dega ah iyo Dabdamiska Degmada Wadajir ayaa sheegay in guud ahaan degmooyinka Caasimadda laga hirgelin doonno Xarumaha Dabdamiska, si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in iyadoo ahmiyadda la saarayo sidii bulshada caasimaddu u heli lahayd adeegga gurmadka deg-deg ah la bilaabay mashruuc xarumo gurmad degdeg ah looga dhisayo degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

“Xarunta Dabdamiska Degmada Wadajir oo galabta xariga ka jarnay, waxay u adeeggi doontaa bulshada deegaanka, waana qeyb kamid ah qorshaha maamulku uu ku doonayo in shacabka loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Mudane Eng. Yarisow ayaa sheegay ka sakow dhagax-dhigga iyo dhismaha xarumahan in ay barbar socdaan tababaro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadooda, si looga baaqsado khasaarihii faraha badnaa ee ka dhalan jiray goobaha uu dabku ka kaco.

Xafiisyada gurmadka deg-dega ah ee la geeyey qaar kamid ah Degmooyinka Caasimadda, ayaa qeyb ka ah qorshaha fog ee maamulku uu ku doonayo in dib Caasimadda loogu soo celiyo guud ahaan adeegyadii bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...