Ciidanka Amniga Caasimadda oo Suuqa Bakaaraha ku khaarijiyay 2 ka mid ah Al-shabaab.

Date:

Muqdisho(SNTV)โ€“Ciidanka sugidda Amaanka Caasimadda ee SAMA ayaa Maanta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku khaarijiyay labo ka mid ah Maleeshiyaadka Kooxda Nabadiidka ee Al-shabaab oo ku hubeysanaa Bistoolado.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in inta Ciidamadda aysan tooganin Maleeshiyaadka ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan, balse Maleeshiyadii oo bastoolada ku habeysanaay ayaa dagaalamay, ugu dambeyntiina la toogtay, kuwaasi oo qorsheynayay in ay waxyeello u geystaan Dadka shacabka ah.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada SAMA ee Amniga Caasimadda qeybta Suuqa Bakaaraha ay howlgal ku dileen shar-wadayaal nabad-diid ah oo falal amni darro ah faraha kula jiray, wuxuuna aad ugu mahadceliyay Ciidanka howshaasi fuliyay.

Ciidamada amniga oo mar walba ku howlan inay ka hortagaaan kooxaha caadeystay inay dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kuwoodii ugu dambeeyay ay ka mid tahay dhacdadii Ciidamada Sugidda Amniga Casimadda SAMA qeybtooda Afgooye ay ku fashiliyeen gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey waxyabaha Qaraxa, kaasi oo Maleeshiyaadka Nabad-diidka Alshabab ay doonayeen in ay ku Gumadaan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...