Wasiirka Amniga XFS oo sheegay in Ciidanka Amniga fashiliyeen Gaari walxaha Qarxa siday

Date:

Muqdisho(SNTV):–Ciidamada Sugidda Amniga Casimada SAMA qaybtooda Afgooye ayaa fashiliyey gaari Noha ah oo laga soo buuxiyey waxyabaha Qaraxa kaas oo Maleeshiyaadka Nabad-diidka Alshabab ay doonayeen in ay ku Gumadaan Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Gaariga markii ay ku adkaatay in uu dhaafo goob ay ku sugnayeen Ciidamada oo aad u dhiiranaa una diyaarsanaa ka hortagga falalka ay soo maleegaan Maleeshiyaaadka Argagaxisada Alshabab uu kaligiisa iska qarxay kadib markii ay Ciidanku rasaaseeyeen.

Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa intaasi kudaray in aysan jirin Wax khasaaro Nafeed ah oo uu geystay marka laga reeebo in uu ku dhintay Naftii haligiii waday gaarigaasi siday Walxaha Qarxa.

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo kaa shanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa sidan oo kale ka hortagay dhoor-jeer falal liddi Ku ah Amniga Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...