Wasiirka Amniga XFS oo sheegay in Ciidanka Amniga fashiliyeen Gaari walxaha Qarxa siday

Date:

Muqdisho(SNTV):–Ciidamada Sugidda Amniga Casimada SAMA qaybtooda Afgooye ayaa fashiliyey gaari Noha ah oo laga soo buuxiyey waxyabaha Qaraxa kaas oo Maleeshiyaadka Nabad-diidka Alshabab ay doonayeen in ay ku Gumadaan Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Gaariga markii ay ku adkaatay in uu dhaafo goob ay ku sugnayeen Ciidamada oo aad u dhiiranaa una diyaarsanaa ka hortagga falalka ay soo maleegaan Maleeshiyaaadka Argagaxisada Alshabab uu kaligiisa iska qarxay kadib markii ay Ciidanku rasaaseeyeen.

Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa intaasi kudaray in aysan jirin Wax khasaaro Nafeed ah oo uu geystay marka laga reeebo in uu ku dhintay Naftii haligiii waday gaarigaasi siday Walxaha Qarxa.

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo kaa shanaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa sidan oo kale ka hortagay dhoor-jeer falal liddi Ku ah Amniga Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...