Gen. Bashiir Ameeriko oo kulan dhiiri gelin ah la qaatay Haweenka ku jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kulan dhiiri gelin ah la qaatay qaar kamid ah Haweenka ku jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jiray Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno.

Gen. Bashiir Ameeriko, ayaa ku dhiiri geliyey haweenkaasi Ciidanka Booliska ka midka ah sida howlkarnimada ay ka muuqato ee ay ugu shaqeynayaan Qaranka, waxaana uu ku booriyey inay sii laba jibaaraan shaqada, masuuliyad gaar ahna ay iska saaraan.

Qaar kamid ah Haweenkii isugu jiray Saraakiisha iyo Saraakiil xiggeenada oo kulankaasi ka hadlay, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku ammaanay sida dardarta leh ee uu u wado shaqada Ciidanka Booliska, iyaggoo xusay in dhankooda masuuliyada saaran ay kasoo dhalaali doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...