Howlgallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab oo ka socda Jubbaland

Date:

Kismaayo(SNTV)- Iyadoo ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ay Maleeshiyaad Shabaab ku hayaan dadka shacabka ah ayaa waxaa soconaya qorshayaal ku aadan sidii dadkaasi looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinkaasi,kuwaasi oo ah howlgallo lagu sifeynayo Alshabaab oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland.

Goobaha bartilmaameedka ah ee ugu horeeya ayaa ah deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Kismaayo,sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Dowlada Goboleedka Jubbaland Xasan Maxamed Aadan,wuxuuna intaasi ku daray in dhawaan la qaadayo howlgal safballaaran ah oo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

Shacabka kunool deeganada dhanka Waqooyi ee magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyin ay kala kulmaan maleeshiyadaasi Alshabaab,kuwaasi oo handadaad ku haya rayidka.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaa shanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howgallo kawada Koonfurta iyo Bartaha Dalka ,iyadoo Howlagalkaasi lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Arxan-laawayaasha Jid iyo Jiha Diidka ee Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...