Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday dadka ay saameynta ku yeesheen Roobabkii ka da’ay

Date:

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqasho ugu tagay dadkii ku guryo beelay Roobabkii ka da’ay Muqdisho,kuwaasi oo Maamul Gobolka Banaadir uu dejiyay goobo KMG ah si uu idhihiisa ugu arko xaaladda dadka barakacay iyo gurmadka uu maamul Gobolka wado.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ka qeyb qaadanayay gurmadka dadka lagu keenay goobaha uu ugu talagalay Maamul Gobolka Banaadir in si KMG ah u degaan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyay dhammaan dadka ka qeyb galay gurmadka lagu badbaadinayay dadkaasi saameynta ay ku yeesheen roobabkii da’ay,wuxuuna Ra’iisal wasaaraha mid mid uga xog wareystay dadka soo barakacay xaaladda ay hadda ay ku sugan yihiin,isagoona amray in si deg deg ah wax loogu qabto hooy rasmi ahna la dejin doono.

Dadkan guryahooda ay ka soo barakaciyeen roobabka ayaa waxay isugu jiraan dad da’ah,Haween iyo carruur,kuwaasi oo u nugul dhaxanta iyo dhibicda roobka.

Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeeray waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ay biyaha roobka fariisteen,halkaasi oo ay ka socdaan howlo biyaha looga saarayo oo ay wadaan maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii,Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan gurmadka lagu badbaadinayo Shacabka Soomaaliyeed oo caasimadda iyo qaar ka mid Gobollada dalka ku kala nool,kuwaasi oo ay saameyn ku yeesheen roobabka iyo fatahaadaha dalka ka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...