Muran badeedka Soomaaliya & Kenya oo wili ku jiro gacanta maxkamadda caalamiga ah ee Hegue

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuusan jirin wada xaajood ay Kenya kala yeelatay Dowladda Soomaaliya dacwadda Badda ee horay loo geeyey Maxkamadda caalamigaah ee Hegue.

Amb; Cawad ayaa xaqiijiyey inaanu jirin wax wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen in waddo aan Maxkamadda Hegue ahayn lagu xalliyo khilaafka Soohdinta Badda ee Labada Dal ka dhexeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa
maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu
jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, ingoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Mudane Cawad.

Hadalka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...