Imtixaankii dowladda oo loo hakiyey Roobabka da’aya

Date:

Muqdisho(SNTV):–Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in la baajiyey Imtixaannaadkii Shahaadiga ee shalay ka bilowdey dalka  sababa la xiriira Roobab xooggan oo ka da’aya caasimadda gobollada dalka qaarkood.

C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa yiri “Roobab aad u xooggan baa ka bilowdey magaalada Muqdisho xalay iyo saakana ka da’aya kuwaas oo saameeyey dhammaan dhaq-dhaqaaqii magaalada, sidaa darteedna suurogal ma ahan in la sii wado Imtixaannaadkii Shahaadiga ee dalka ka bilowdey, balse dib ayeey u billaaban doonaan haddii ay xaaladda Roobabka yaraadaan”.

Roobabkaan ayaa lagu soo warramayaa in ay ka da’ayaan Dhulka Soomaalida oo dhan iyo waddamada darista  qaar sida Jabuuti Kenya iyo Itoobiya, waana sababa isbaddelka Cimilada ku aaddan.

Duufaanno ku dhufta Xeebaha Soomaaliya ayaa laga digayey maalmahan oo dhan, welina waxaa taagan walaaca laga qabo arrintaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...