Tartan aqooneed derbi ah oo dhex maray labo degmo oo ka wada tirsan Jubba-land

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartan xiisa badan oo udhaxeeyoย  degmooyinka Jilib iyo Garbahaarey oo ka kala tirsan jubbada dhexe iyo Gedo , sidoo kale hoostaga maamulka jubba-landย  ayaa caawa dhex maray labada degmo, waxa uuna ahaa mid kamid ah tartamada derbiga ah ee ay wada ciyaarayaan degmooyin ka wada tirsan mid kamid ah maamulada Federaalka dalka.

Sida caadada u ah barnaamijka waxaa la isku weydiiya min 7-suโ€™aalood, waxaana nasiib u yeeshay caawa in lagu bilaabo Jilib oo ay u aheyd markii ugu horreysay oo ay ka qeyb-galayaan tartanka ay tabineyso warbaahinta qaranka. Wadarta suโ€™aalihii loogu tala galay ayaay laba kamid ah ka jawaabeen, waxa ayna sidoo kale fursad u heleen laba ka faaโ€™ideysi ย oo soo dhinac martay Garbahaarey, sidaas ayayna ku heleen dhibcoย  gaarayo 8.

Garbahaarey ayaa Iyana dhankeeda haleeshay mid kamid ah 7-dii weydiimo ee loogu tala galay, kamana faaโ€™ideysan fursadaha kale ee soo dhinac maray dhiggeeda tartanka Jilib, sidaas waxa ay ku heshay laba dhibcood wallow ay iyada horey dhowr jeer kaga qeyb gashay tartamadii hore ay u qabatay warbaahinta qaranka.

Natiijada kama dambeysta ah ee tartan aqooneedkii caawa ayaa noqotay 8 vs 2 oo ay guushu lix dhibcood ku raacday degmada jilib, sidaasna ay ku xaqiijiyeen isku diyaarinta waraagga 2-aad ee tartanka

Habeen dambe waxaa isku ballansan tartanย  aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta dowladda isla markaan uu taaba gelinayo maamulka gobalka benaadir degmooyinka Shibis iyo Beledweyn oo ka kala tirsan goballada Hiiraan iyo Benaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale