Tartan aqooneed derbi ah oo dhex maray labo degmo oo ka wada tirsan Jubba-land

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartan xiisa badan oo udhaxeeyo  degmooyinka Jilib iyo Garbahaarey oo ka kala tirsan jubbada dhexe iyo Gedo , sidoo kale hoostaga maamulka jubba-land  ayaa caawa dhex maray labada degmo, waxa uuna ahaa mid kamid ah tartamada derbiga ah ee ay wada ciyaarayaan degmooyin ka wada tirsan mid kamid ah maamulada Federaalka dalka.

Sida caadada u ah barnaamijka waxaa la isku weydiiya min 7-su’aalood, waxaana nasiib u yeeshay caawa in lagu bilaabo Jilib oo ay u aheyd markii ugu horreysay oo ay ka qeyb-galayaan tartanka ay tabineyso warbaahinta qaranka. Wadarta su’aalihii loogu tala galay ayaay laba kamid ah ka jawaabeen, waxa ayna sidoo kale fursad u heleen laba ka faa’ideysi  oo soo dhinac martay Garbahaarey, sidaas ayayna ku heleen dhibco  gaarayo 8.

Garbahaarey ayaa Iyana dhankeeda haleeshay mid kamid ah 7-dii weydiimo ee loogu tala galay, kamana faa’ideysan fursadaha kale ee soo dhinac maray dhiggeeda tartanka Jilib, sidaas waxa ay ku heshay laba dhibcood wallow ay iyada horey dhowr jeer kaga qeyb gashay tartamadii hore ay u qabatay warbaahinta qaranka.

Natiijada kama dambeysta ah ee tartan aqooneedkii caawa ayaa noqotay 8 vs 2 oo ay guushu lix dhibcood ku raacday degmada jilib, sidaasna ay ku xaqiijiyeen isku diyaarinta waraagga 2-aad ee tartanka

Habeen dambe waxaa isku ballansan tartan  aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta dowladda isla markaan uu taaba gelinayo maamulka gobalka benaadir degmooyinka Shibis iyo Beledweyn oo ka kala tirsan goballada Hiiraan iyo Benaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...