Ogow โ€œNatiijada tar-tan aqooneedkii dhex maray Waabari VS Xamar-jajab “..

Date:

Muqdisho (SNTV)- Habeenkii ugu horreeyay ee tar-tan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan waxaaย  nasiib u yeeshay in lagu furo degmooyinka Xamar-jajab iyo Waabari ee gobalka Benaadir.

Waxaa la weydiiyay sida uu ku tala galka ahaa min 7- Suโ€™aalood, waxaana degmada waabari oo lagu bilaabay suโ€™aalaha ay ka jawaabtay 4 iyo mid ka faaโ€™ideysi ah oo u suura gelisay in ay helaan ย 6-dhibcood, ย degmada Xamar-jajab ayaa Iyana suโ€™aalihii la weydiiyay ka jawaabtay mid qura halka laba kalane ay u heshay ka faaโ€™ideysi ahaan taasi oo Iyana ka dhigtay wadarta guud 6-dhibic oo ay ka wada sinnaayeen dhiggeeda ay tar-tanka ku har-damayeen.

Intaas kadib ayaa guddiga sameeyaan qurya tuur, waxaana nasiib u heshay xamar-jajab in lagu bilaabo suโ€™aalaha dheeraadka ah ee lagu kala saarayay labada degmo, ย suโ€™aashii la weydiiyay xamar-jajab kama aysan jawaabin, sidoo kale waabari wey halaali-weysay fursadda soo martay balse suโ€™aashii la weydiiyay Waabari oo iyana garan-weyday ayaa si ka faaโ€™ideysi ah Xamar-jajab ugu tegtay, waxa ayna halaaleen jawaabtii saxda aheyd, sidaas ayayna xamar-jajab ugu suura gashay in ay ugudubto wareegga 2-aad halka daaqaddaย  laga saaray degmada Waabari, waxa ayna ku idlaatay natiijada tar-tankii caawa ย 8 vs 6 oo ay guushu ku raacday degmadaย  Xamar-jajab.

Habeen dambe ayaa wareegga 1-aad ee tar-tan aqooneedkaย  wijigiisa 1-aad qeybta 2-aad ay ku wada ballan-sanyihiin degmooyinka Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan Sanaag iyoย  Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale