Madaxda Dalka oo ubax dhigay Tallada Syl

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada ee 15-ka May oo ku beegan 75 guuradi kasoo wareegatay Aasaaskii Ururkii xurnimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo loosoo agaasimey si ka duwan hab maamuus-yadi hore, waxaaba lagu qabtay taalada u taagan halgamayaasha ee 15-kii dhalinyaro ee SYL.

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Munaasabadan waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Dhalinyaradda Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobalka Benaadir, Saraakiil Ciidan, Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobalka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu soo gaaray goobta ay Munaasabada ka dhaceysay Salaan ka qaatay Ciidamada qalabka sida iyo kooxda Banda Miyuusikada, wuxuuna intaa ka dib Fiyoore lagu xusaayo Aabayaashi Halganka Xoriyada aan ku naalooneyno dhigay Taalada SYL.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay meel sare uga jiraan xil walba horumarinta dalkooda, gaar ahaan waqtigii xornimo-doonka iyo hadda oo dalka uu soo kabanayo. Isagoo xusay in maalintan ay xusuusineyso dhalinta Soomaaliyeed sida loogu baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si looga dhabeeyo riyadii geesiyaashii SYL.

“15-ka May waa maalintii Halganka iyo Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay sidii ay waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga, caawana waxaan halkan u joognaa si aan u muujino taariikhdaas qiimaha badan iyo doorkii waddaninimo ee ay muujiyeen dhalinyaradii SYL“. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa Dalka Soomaaliya laga xusaa Aasaaskii Xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL,waxaadna moodaa in  sanadkan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaalia inay si ka duwan sanadihii hore ugu diyaar garowday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...