Madaxda Dalka oo ubax dhigay Tallada Syl

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada ee 15-ka May oo ku beegan 75 guuradi kasoo wareegatay Aasaaskii Ururkii xurnimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo loosoo agaasimey si ka duwan hab maamuus-yadi hore, waxaaba lagu qabtay taalada u taagan halgamayaasha ee 15-kii dhalinyaro ee SYL.

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Munaasabadan waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Dhalinyaradda Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobalka Benaadir, Saraakiil Ciidan, Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobalka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu soo gaaray goobta ay Munaasabada ka dhaceysay Salaan ka qaatay Ciidamada qalabka sida iyo kooxda Banda Miyuusikada, wuxuuna intaa ka dib Fiyoore lagu xusaayo Aabayaashi Halganka Xoriyada aan ku naalooneyno dhigay Taalada SYL.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay meel sare uga jiraan xil walba horumarinta dalkooda, gaar ahaan waqtigii xornimo-doonka iyo hadda oo dalka uu soo kabanayo. Isagoo xusay in maalintan ay xusuusineyso dhalinta Soomaaliyeed sida loogu baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si looga dhabeeyo riyadii geesiyaashii SYL.

“15-ka May waa maalintii Halganka iyo Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay sidii ay waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga, caawana waxaan halkan u joognaa si aan u muujino taariikhdaas qiimaha badan iyo doorkii waddaninimo ee ay muujiyeen dhalinyaradii SYL“. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa Dalka Soomaaliya laga xusaa Aasaaskii Xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL,waxaadna moodaa in  sanadkan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaalia inay si ka duwan sanadihii hore ugu diyaar garowday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...