Guddoomiye Yariisoow oo xarigga ka jaray qayb ka mid ah Isbitaalka Deyniile

Date:

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng; C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa Maanta si wadajir ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qeybtan cusub ayaa ah qeybta Soollar System-ka oo muhiim u ah howlaha Isbitaalka iyo adeegyada loo qabanayo Shacabka holwlaha caafimaad u yimmaadda halkaasi.

Munaasabadda xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan; Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane ; Cabdullaahi Xaashi, iyo xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Tamarta ee Xukuumada federaalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Deyniile iyo Maamulka Gacanta ku haya Isbitaalka guud ee Degmada Deyniile iyo Masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...