XEERKA TARTAN CILMIYEEDKA WARBAAHINTA QARANKA SOOMAALIYEED

Date:

XEERKA TARTAN CILMIYEEDKA WARBAAHINTA QARANKA SOOMAALIYEED

Radio Muqdisho iyo SNTV waxa ay si wadajir ah u billaabayaan Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay ka qeybgalayaan 30 degmo oo ka tirsan Gobollada dalka.

Barnaamijkan,ย  waxaa gabagabadiisa lagu bixin doonaa abaalmarin lacageed iyo koobab, waana sannadkii 6-aad oo aan Qabano tartankan, iyadoo sannadkii saddexaad oo xiriir ah uu maal-gelinayo maamulka gobolka Banaadir.

Tartan Cilmiyeedkan wuxuu si toos ah uga bixi doonaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Telefashinka Qaranka SNTV, halka akhristayaasheena ay ka daalacan karaan Webpage-ka radiomuqdisho.net iyo sntv.so

Qeybta hoose ka akhri Xeerka Tartanka.

XeerkaTartanka.

 

1-ย  Degmo kasta waa in ay ilaalisaa waqtiga tartanka.

  • Degmadu waa in ay xaqiijiso diyaar-garowgeeda tartanka maalin ka hor xilliga uu dhacayo.
  • Waa in ay tartamayaashu diyaar ku ahaadaan goobta iyo khadka ay barnaamijka uga qeyb galayaan ugu dambeyn 30 daqiiqo ka hor xilliga tartanka uu billaabanayo oo ah 9:30 Habeennimo.

2-ย ย ย  Degmadii maqnaata xilliga tartanka cudurdaar laโ€™aan waxay la mid tahay iyadoo laga badiyay ama (Forfeit) dhibcaha ku weysay.

3-ย ย ย  Tartamayaasha waa in ay u tartamaan si asluubleh.

  • Kooxdii loo arko iney ku sifowday akhlaaq-darro, Guddiga tartanka ayaa goโ€™aan ka qaadan doona.

4-ย ย ย  Degmadii akhlaaq wanaag muujisa waxay heli doontaa abaalmarin gaar ah.

5-ย ย ย  Tartamayaashii wax tabanaya waxay cabashadooda soo gudbinayaan inta tartanka lagu guda jiro, Ma jirto cabasho la dhageysan doono maalinta kale.

6-ย ย ย  Suโ€™aalaha loogu talo galay tartanka habeen kasta waa 14 , tartame kastana waxaa la waydiinayaa 7 suโ€™aal, waana la badin karaa haddii ay tartamayaashu kala adkaan waayaan.

7-ย ย ย  Tartame kasta waxaa suโ€™aasha loogu celinayaa Saddex Jeer.

8-ย ย ย  Waqtiga suโ€™aasha looga jawaabayo waa haldaqiiqo iyo bar ama (90 Second).

9-ย ย ย  Xilliga Jawaab bixinta, Tartamayaashawaxaa loo yeerayaa 3 jeer oo kaliya.

10-ย  Jawaab kasta oo dhammeystiran waxaa lagu helayaa labo dhibcood.

11-ย  Jawaab aan dhammeys-tirnayn laguma helayo wax dhibco ah.

12-ย  Haddii ay suโ€™aashu soo dhaaftoTartamayaashii la waydiiyay waxaa si ka faaโ€™iideysi ah loogu gudbinayaa kooxda kale.

13- Ka faaโ€™iideysigu ma laha wax waqti ah iyo ku celin toona.

14- Haddii labada kooxoodba ka jawaabi waayaan suโ€™aasha waxaa ka jawaabaya GuddigaTartanka.

15- Jawaabta la qaadanayo waa tan uu bixiyo afhayeenka tartamayaashu soo wakiishaan, khalad iyo sax wixii ay noqotaba.

16- Suโ€™aalaha la waydiinayo tartamayaasha waxay noqon doonaan

Kuwo isu dhigma.

17-Waxaa mamnuuc ah in qof uu labo degmo u tartamo.

18-Haddii mid ka mid ah degmooyinka tartamaya uu telefoonku kagoโ€™o ama ay si ulakac ah u gooyaan ,

guddiga garsoorka tartanku waxa ay xaq u leeyihiin:

  • In ay suโ€™aasha baddelaan.
  • In ay isla suโ€™aashii waydiiyaan.
  • Qasab ma ahan in suโ€™aashadambe la mid ahaato suโ€™aashii hore.

18-ย  Natiijadarasmiga ah ee tartan kasta waa midka uu kudhawaaqo Guddiga marka tartanka la soo gabagabeeyo habeen kasta.

19- Tartamayaasha waa iney ku sugnaadaan gudaha degmada ay matalayaan.

  • Tartamihii lagu helo inuu meel kale ka tartamayo guddiga wuxuu xaq u leeyahay inuu ka saaro madasha tartanka.

20- Guddiga Tartanka wuxuu ka digayaa wixii anshax xumo ah ee tartanka wax u dhimaya, sida khishka, laaluusha iwm, Tartamayaashii lagu helo waxyaabahaas ama wax u dhigma Guddiga wuxuu ka qaadanayaa go’aan adag.

 

ย 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale