Hodan Xasan oo u tartamaysa Xildhibaannimada xaafadda 62A ee Minneapolis

Date:

USA-(SNTV)-Boqolaal Soomaali ah ayaa ka qeybgashay xaflad lagu soo dhaweynayay Hodan Xasan, oo u tartamaysa Golaha degaanka Xaafada 62A ee Minneaplis.

Xafladdan oo ka dhacday Magaalada Columbus Ohio,ayay ujeeddadiisu in Hodan loo muujiyo in ay tahay Qof u qalma xilka ay u tartamayso isla markaana ay buuxin karto kaalin muhiim ah oo Haweenka Soomaaliyeed iyo horumarkooda ka tarjumaysa.

Inkastoo Xaafadda ay odan u ordayso deggan yihiin Dadyow kala geddisan haddana waxay si weyn ugu baahan tahay murashaxnimadeeda inay u hesho taageero kaga timmaaddo Jaaliyaddeeda.

Hodan Xasan oo ay tartanka kula jiraan Murashixiin kale oo Laba ka mid ihi ay Soomaali yihiin, ayaa waxaa sidoo kale ordaya Ajaaniib, waxanay Hodan sheegtay inay ka go’an tahay inay Kursigaasi ku guuleysato Soomaali.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan Columbus ayaa si weyn usoo dhoweeyay Murashaxnimada Hodan, waxanay si weyn ugu boorriyeen inay sii Laba laabto dedaalkeeda.

Hodan Xasan ayaa Jaaliyadda kala hadashay in ay Reer Ohio ahmiyadda siiyaan dhallinyarada,isla markaana ay ka hor tagaan dilalka ka dhex dhaca Dhallin yarada Soomaaliyeed oo xiilliyadan dambe ku kordhayay Columbus.

Murashax Hodan ayaa ballan qaadday inay haddii ay tartanka kusoo baxdo ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha asaasiga ee Soomaalida ku nool Columbus, waxanay codsatay in si taasi loo gaaro ay taageeradooda iyo dhaqaalahooduba la Garab istaagaan.

Deeqo Shire (SONNA) Columbus/ Ohio

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...