Ra’iisal Wasaaraha XFS oo kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)– Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasaiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra’iisul wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.

Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Ra’iisul wasaaraha sida howsha ay u wadaan howl-wadeennada iyo maamulka xarunta hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii maamulka hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...