Wasiirka Batroolka oo kulan la qaatay Danjiraha Norway ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV), Kulankaan oo looga hadlayey sida looga faa’iideysan karo  Kheyraadka, batroolka, tamarta iyo qaabka xirfada shaqaalaha wasaaradda sare loogu qaadi lahaa,  ayaa wasiirka wasaaraddaasi mudane C/rashiid Maxamed Axmed waxa uu la qaatay Danjiraha Dowladda Norwey ee u fadhiya soomaaliya.

Kulankaasi ayaa sidoo kale looga hadlayey xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, waxaana sidoo kale  goob joog ka ahaa kulanka wasiir ku xiggeenka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi.

Danjiraha dowladda Norwey u fadhiya  Soomaaliya  danjire vebjorn Heines, ayaa  waxaa uu sheegay in Wasaaradda ay ka saacid  doonaan tababarida shaqalaaha, ayna siinayaan taageera joogto ah.

Wasiirka Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Axmed,  ayaa uga mahad celiyey Danjire  vebjorn Heines sida ay wasaaradda uga caawinayaan sare u qaadida Xirfadda shaqaalaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...

dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay...