Wasiiru Dowlaha Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada XFS oo shir uga qeyb galay Wadanka Morocco

Date:

Muqdisho (SNTV), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Kulmiye Xersi (C/raxmaan Dheere) iyo Mareeyaha Hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada ee Dawlada Soomaaliya Mudane Yuusuf Cabdi C/lle (Jaalle), ayaa ka qeyb galay Shirka wasaaradaha gaadiidka iyo duulista Hawada ee dalalka carabta.

Shirkan oo ka dhacay Magaalo Madaxda dalka Morocco, ayaa waxaa ujeedkiisa uu ahaa Horumarinta iyo Xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradahaasi qaabilsan arrimaha Duulista hawada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Kulmiye Xersi, ayaa shirkaasi ka jeediyey Khudbad dheer oo uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horumar ballaaran dawladda ay ka sameysay dhanka duulista hawada, Socdaalka iyo gaadiidka.

Wasiir C/raxmaan, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxdii kasoo qeyb gashay shirkaasi sida Sacuudiga Kuwait iyo Morocco, isaggoo kala hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Xoojinta Xiriirka kala dhaxeeya wadamadaasi, siddii ay Soomaaliya uga caawin lahaayeen horumarinta duulista hawada iyo qodobo kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay Jabkii lagu gaarsiiyay Khawaarijta Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeyb-galay shir la xariiro dhaqanka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya,...

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Israel

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan...

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...