Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xarunta dabdamiska Degmada Hodon

Date:

Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow) ayaa dhagax dhigay xarunta  dabdamiska iyo gurmadka Deg deg ah oo laga hirgaliyay degmada Hodan gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako xaruntaasi oo loogu adeegi doono degmooyinka xiga qeybta waliyoo cade sida Hodan’ Waabari, Howl Wadaag iyo Xamar Jajab’

Dhagax dhiga kadib ayaa Gudoomiyaha Degmada Hodan ee gobolka Benaadir Maxamed Axmed Cantoobe waxa uu la hadlay warfidiyeenada.

Degmada Hodan oo noqoneysa degmadii ugu horeysay ee mash ruucan laga fuliyay ayaa Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow) waxa uu sheegay in dhamaan qeybaha degmooyinka laga hirgalin doono.

Dhanka kale Duqa Magaalada Muqdisho Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo maaliyadda iyo Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa kormeeray dhismaha wadada iskuxirta Isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha oo meel wanaagsan mareysa dhisamaha laami saarida ah ee wadadani oo in muda ah bur bursaneed islamarkaana ay marideeda dhibaatooyin kale ku qabeen bulshada iyo gaadiidka.

Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow) ayaa kormeerka kadib waxa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin ka qaatan dib-udhiska Caasimada iyo soo celinta bilicda Magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...