Kulan dhexmaray Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Ururada Dhallinyarada

Date:

Muqdisho(SNTV);- Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay ka qaybgaleen kulan su’aallo weydiin ahaa oo ay soo qabanqaabiyeen qaar kamid ah Ururada Dhallinyarada.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa looga hadlay doorka dhallinyarada ee Hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka tirsan Gudigga Baarlamaanka iyo Marwo Muumino Sheekh Cumar oo ah xubin kamid ah Gudigga Madaxabanaan ayaa si wadajir ah uga jawaabayeen su’aallo dhanka dhallinyarada ka imaanayay.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 100 qof oo dhallinyaro ah ayaa waxaa la isku dhaafsaday talooyin badan oo ku qotomay Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Masuuliyiinta matalayay sedexda Hay’ad ee ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxay dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhiirageliyeen inay kaalintooda ka qaataan horumarka dalka ka socda gaar ahaanna Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaan dalka ka bilaaban doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...