Gudoomiye Yariisoow oo Deeq gaarsiiyay xerayaasha Barakacyaasha Duleedka Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xeryaha dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka Caasimadda, gaar ahaan degmada Kaxda, iyadoo la gaarsiiyey deeqo kala duwan.

Duqa Muqdisho oo walaac ka muujiyeen xaaladda nololeed ee dadka soo barakacay ayaa ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda waqtigan lagu jiro xili roobaadka.

Guddoomiyuhu ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka qabashada nolosha barakacayaasha, iyadoo xoogga la saari doono sidii ay ku heli lahaayeen gurmad ballaaran, maadaama dhowaan ay bilaabanayso bisha barakaysan ee Ramadan.

“Waxaa halkan ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadkuna waxay u baahan yihiin gurmad ka ballaaran midka aan maanta gaarsiinay si wax looga qabto xaaladooda, Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse maanta waxaan indhaheena ku aragnaa in weli gacan qabasho u baahan yihiin dadka nugul”.Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Kormeerkan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku-xigeenkiisa dhinaca Arrimaha bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...