Ra”iisul Wasaare Kheyre iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho (SNTV) -Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay  shir Caalami ah uga qeyb galeen magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirka oo ay ka qeyb geleen qaar kamid ah madaxda dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo kamid ahaa masuuliyiinta shirkaas ka qeyb-galay ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlay guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray dhismaha Ciidanka difaaca dalka si amaanka dalka ay ula wareegaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale intii uu socdaalkiisa ku guda jiray waxaa uu shir kusoo xiray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, shirkaas oo u dhaxeeyey ganacsatada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Jowhar ka Daahfuray Ololaha Diiwaangelinta codbixiyaasha

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad...

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen...

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Martiini

Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq...