Ra’iisul wasaare Khayre oo Istanbul Ganacsato kula kulmay (Sawirro)

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka Ganacsiga iy Warshadaha ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay Ganacsato Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirkiisa Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)   kulanka ay magaalada Istanbul kula qaateen Ganacsatada Soomaliyeed ee ka qeyb-galay shirka maalgashiga Somali-Turkey Forum ee sannadlaha ah, kulanka waxaa joogey Safiirka Soomaaliya u fadhiyaha Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhageystay isbaddellada Ganacsi ee ay hormuudka ka tahay wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ee ka jira dalka, Ganacsatada ayaa ku ammaanay Xukuumadda juhdiga ay galineyso horumarinta Dhaqaalaha dalka oo uu sal u yahay Ganacsiga iyo Maalgashiga, waxa ay codsadeen in lagu gacan siiyo sidii ay dalka u keeni lahaayeen shirkado  badan oo dhanka Hirgelinta Maalgashiga iyo isdhaafsiga Ganacsiyada kala duwan ka shaqeeya, si loo iibgeeyo suuqa Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warsahadaha Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa tilmaamay in Ganacsatadu ay Laf-dhabar u yihiin horumarka Soomaaliya ka jira, wasaarad ahaanna ay xil gaar ah iska saarayaan isku xirka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, qeybna uu ka yahay shirka Somali-Turkey Forum ee Istanbul ka dhacay.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ammaanay doorka wasaaradda Ganacsiga iyo isbaddelka muuqda ee mudada kooban la gaaray, waxa uu dhiirageliyey in si xowli ah loo ballaariyo Suuq-geynta fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi ee Soomaaliya ka jira.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Ganacstada Soomaaliyeed  bixinta Canshuuraha iyo ka qeyb-galka Tubta horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey in Ganacsatadu ay si weyn uga qeyb-qaataan gurmadka gobollada ay saameyeen Fatahaadaha, una rajeeyey in ay Ganacsiga Soomaaliya la tartan siiyaan dunida horumartay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...