Faah faahin ka soo baxaysa weerar ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

Date:

Kenya(SNTV) Weerarkan ayaa dad xog-ogaal ah oo deegaanka ah ay sheegeen inuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku taalla Koonfurta Mnadera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya,kaasi oo dad rayid ah uu qasaar eka soo gaaray.

Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Sida uu qorey Wargeyka lagu magacaabo The Daily Nation ee ka soo baxa wadanka Kenya oo soo xiganaya Madaxa Ammaanka ee Gobolkaasi ninka lagu magacaabo Kutswa Ololka ayaa wuxuu qorey wargeysku in la rumeysan yahay in weerarkaasi ay geysteen maleeshiyaad xiriir la leh koxda Alshabaab,wuxuna intaasi ku daray in aan weli sirasmi ah u cadayn qasaaraha  rasmiga ah ee halkaasi k adhashey.

Wararka ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi Kenya ayaa wadaan howlgalo lagu baadi goobayo ragii weerarkaasi ka dambeeyey.

Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa ku jira heegan ballaaran,tan iyo markii maleeshiyaadka argagaixisada ah ee Alshabaab ay kordhiyeen weerarada ay k ageysanayaan gudaha dalkaasi Kenya,waxaana dhowr jeer oo horey ay weeraro k ageysteen qeybo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya,sida Gaarisa iyo Mandheere,iyadoo inta badan laga hortagay dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Addis Ababa kaga qeyb galaya Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Africa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane...