Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan maamuus ah u sameeyey Xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano

Date:

Muqdisho (SNTV), 3 March 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan dhiirrigelin, qado sharaf iyo bogaadin ah oo ku saabsan guushii Qaranka ee koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaraadda Afrika (CECAFA) waxa uu la qaatay Guddiga Ciyaaraha Qaranka, Macalimiinta, Tababarayaasha iyo Ciyaaryahannada Qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu ka yartahay 17 sano.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey xulka da’yarta Soomaaliyeed ee heer Qaran, daadaalka ay muujiyeen iyo sida ay caalamka ugu soo bandhigeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku lahaan karaan saaxada tartannada heer qaaradeed.

“Annaga waxa ay noo xisaabsan tahay in aad guuleysateen, sababtoo ah waxaad ka soo guuleysateen intaas oo dal, idinkoo dalkiinnu uu soo kabanayo ayaad ka badiseen dowlado badan oo aan bur bur ku dhicin, dowladahaas oo sannadadii aan bur burka ku jirnay iyagu soo dhismayey.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka iyo shaqaalha Wasaaradda Cayaaraha, dhallinyarada iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen da’yarta heer Qaran iyo guud ahaan cayaaraha dalka.

Xulka Da’yarta Qaranka ee U-17ka ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Koobka Qaaradda Afrika ee 17-jirrada oo saddex bilood kaddib fumi doona.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...