Ciidamada Kenya oo Gacanta Al-Shabaab kasoo badbaadiyay 13 Dhallin yaro ah

Date:

Nairobi-(SNTV)-Ciidamada xoogga Dalka Kenya ayaa waxay Gacanta Al-shabaab kasoo badbaadiyeen 13 Dhallinyaro ah, kuwaasoo tababarro ay ku siinayeen degaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada hoose.

Dhalinyaradan oo markii hore ka tagay Dalka Kenya ayaa waxay xiriir la sameeyeen Ciidanka Millitariga Dalka Kenya ee ku sugan Gobolka Jubbada hoose, taasoo fududeysay in dib xorriyaddoodii loogu soo celiyo.

Dhalinyaradan oo da’dooda ay u dhaxeysay 18 ilaa 34 ayaa Ururka Al-Shabaab waxay tababarro ku siinayeen degaanka Raas Kambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose ee Dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dedaallo dheeri ah ku bixisa sidii ay xogo badan ugu heli lahayd Dhallinyarada ay siyaabaha kala duwan ku kaxeystaan Al-Shabaab, kuwaasoo ay ujeeddadoodu tagay inay ku qasbaan ka qayb qaadashada rabshadaha ay Argagixisadu ka geysato gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Isha/ The Star

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...