Labo Musharax oo ka tanaasulay u tartamida kursiga Golaha Shacabka

Date:

Musharaxiinta kala ah Shariif Maxamed Abdalla iyo Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka tanaasulay u gudbida wareega Labaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka socota xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda loo gudbay wareega saddexaad ee doorashada oo ay isugu soo hareen Labada Musharax ee kala ah Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yarow.

Musharax Shariif Maxamed Abdalla ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada u codeysay iyo kuwa aan u codeyn intaba,isagoona kula dardaarmay in si mas’uuliyad iyo Xilkasnimo ku jirto u doortaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale,Musharax C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u sababeeyay tanaasulkiisa mid uu ugu turayo Xildhibaanada una fududeeyo doorashada.

Wuxuuna cadeeyay inuu ku faraxsan yahay inuu tartamo,Xildhibaanadana codkooda ay siiyaan,waxaa hadda socota codeynta doorashada wareega saddexaad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Mudane...

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta...

Dab qasaare maaliyadeed oo ka socda Suuq-bacaad

Dab qasaare maaliyadeed oo baaxad leh gaystay ayaa ka...

Wasiirka maaliyadda oo kulan la qaatay danjiraha UK

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige...