Afar musharax oo wareegga labaad u gudubtay

Date:

Waxaa la soo gabagabeeyay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan ilaa iyo 10-musharax,waxaana hadda loo gudbayaa wareega labaad ee doorashada.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Guddooomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey oo ku dhawaaqay sida loo kala helay cododka ayaa sheegay in wareega Labaadee doorashada ay isugu hareen afar ย musharax.

Afarta musharax ee isugu soo haray wareega Labaad ayaa waxay kala yihiin Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo helay 83-cod,Ibraahim Isaaq Yarow oo isagan helayย 69-cod,C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Abdalla oo helay 19-cod.

Halkaan Hoose ka Akhriso sida ay Musharaxiinta u kala heleen cododka.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 5-cod

2- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar 3-cod

3- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan 83-cod

4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 19-cod

5- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye 7-cod

6-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur. 3-cod

7- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69-cod

8- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur 16-Cod

9- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod

10- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow 17-cod

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...