Raa’isulwasaraha dalka oo kulan looga hadlayo Fatahaadda Wabiga Shabelle la qaatay Guddiga Arrimaha Bulshada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirada, si looga jawaabo Fatahaadda Wabiga Shabelle.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddiga kala hadlay sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka kunool magaalada Baladweyne ee uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle.

Kulankaasi kadidb ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu isugu yeeray Hay’adaha Gargaarka ee ka howlgala dalka, kuwaas oo uu iyagana kala hadli doono sidii loo caawin lahaa dadka shacabka ah ee fatahaaduhu ay saameeyeen.

kulanka u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha iyo Hay’adaha Gargaarka oo wali socda ayaa diiradda lagu saarayaa habka looga jawaabayo Saameynta fatahaadda iyo sida ugu dhaqsiyaha badan ee shacabka gargaar loo gaarsiin karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...