Eng Yarisow “Ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah waxay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya”

Date:

Muqdisho, 27, Abriil 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah ay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya, xili uu ka hadlayay qado saagootin ah oo Xildhibaan Sheekh Mustafa Cali Dhuxulow u sameeyey kooxda FC Benadir Sports Clup oo dhowaan ka qeyb geli doonta isreeb-reebka Cayaaraha Jaamacadda Carabta.

Eng. Yarisow ayaa ku dhiiragaliyay dhalinyarada iney kor u qaadaaan cayaaraha, isagoo tilmaamay in isboortigu kaliya uusan ahayn kubad la cayaaro ee uu qeyb muhiim ah ka yahay nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

“Ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah waxay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya iyo in dalku uu kaalintiisii isboorti dib ula soo laabtay. Waxaa xusid mudan in xulka kubadda cagta ee da’doodu ka hooseyso 17 jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika ay gaareen heer kama danbeys ah. “Ayuu yiri Eng. Yarisow

Duqa Muqdisho ayaa xusay in maamulka Gobolka Benaadir uu gacan siinayo dhalinyarada Isboortiga, si loogu dhiirigeliyo xirfadooda, isla markaana uu rajeynayo in ay la soo laabtaan guul. Isagoo intaa ku daray in xafladani aysan ahayn kaliya saagootin ee kooxda Benadir Clup gacanta loo geliyey sharaftii dalka lagana rajeynayo guul farxad gelisa shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan qadada ah ee uu soo agaasimey Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaano, bahda Isboortiga, khabiiro Soomaaliyeed oo ku xeel-dheer arrimahan, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo saraakiil dawladeed, waxayna dhammaantood guul u rajeeyeen kooxdan oo ku soo cayaari doonta magaca Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...