Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Date:

Jabuti-(SNTV)-Agasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya , Mahamed Aadan Jimcaale (koofi) oo safar shaqo ku jooga wadanka Jabuuti ayaa booqasho ku tagay Degmada lowya cadde oo uu ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mudane; Koofi iyo masuuliyiinta ku wehlisa socdaalkiisa, ayaa halkaasi kula kulmay madax ka tirsan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Jabuuti, iyagoo ka wada sheekeystay xaaladda socdaalka Labada dhinac iyo sidii laysaga kaashan lahaa haddey jiraan caqabado ka taagan xadka.

Sidoo kale wuxuu Agaasimuhu u kuurgalay  howsha halkaasi ka socota iyo nidaamka ay ku shaqeyaan sarakiisha qaabbilsan socdaalka xudduudaha ee Dalka Jabuuti, wuxuuna shaqada halkaasi ka socota ku mid wanaagsan oo ku dayasho mudan.

Agaasime Mahamed Aadan koofi ayaa sidoo kale booqday Safaradda Soomaaliya ee ku taalla Caasimadda Jabuuti, waxana halkaasi kusoo dhaweeyay ku simaha Safiirka Soomaaliya ee Jabuuti, C/raxmaan Maxamed Hiraabe iyo masuuliyiin ka tirsan howl-wadeennada Safaaradda.

Mr; Koofi ayaa intii uu ku sugnaa Safaaradda wuxuu kormeeray qaybta socdaalka , isagoo u kuur galay sida ay u shaqeyso qaabka ay Baasaboorrada u qaataan Dadka Soomaaliyeed iyo howsha ballaaran ee ka socta safaradda Soomaaliya ee Jabuuti.

Agaasime Koofi ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col; C/laahi Cabdi Faarax, oo isagu ay hoos timaaddo waaxda socdaalka Jabuuti,iyagoo ka wada hadlay xiriirka waaxaha socdaalka ee Labada Dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Walaalnimo ee ka dhaxeeya Labada Waddan iyo Labada Shacab.

Makaahiil C/Rashiid Barre

Jabuuti

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii...