Shiinaha oo u ballan qaaday Soomaaliya deeq wax barasho.

Date:

Muqdisho(SNTV) Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadki hore Dowladda Shiina deeq waxbarsho u fidisay arday gareeysa 51 arday,sanad kaana si lamid ah ay qorsheynayaan in tiro arday ah deeq waxbarasho ay siiso Dowladda Shiinaha.

Wuxuu talaabadan ku tilmaamay Danjiraah Shiinaha ee Soomaaliya in tani ay tahay mid sii xoojineeysa xiriirka saaxiibtanimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha,islamarkaana ay sii wadi doonaan tageerada marwaliba ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo waliba is dhaxgalka labada bulsho.

Hadalkan ayuu jeediyay Danjire Qin Jian xili maalintii shalay ay qalab xafiiseed ku wareejinayeen ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed,kaasi oo loogu talagalay in bulshadu ay uga adeegaan,waxaana munaasabadda wareejinta qalabkaasi goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Dowladda shiinaha waxa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,iyadoo ka taageerta mashaariicd ahorumarineed iyo waxbarashada dhalinyarada,waxaana ka dhexeeya labada dowladood xiriir soo jireen ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...