Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay u qaabilsan mashaariicyada.

Taliyaha, ayaa Hey’addaasi kala hadlay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, taageerada booliska Soomaaliya ee dhinaca dhismaha, tababarka iyo Qalabeynta Ciidanka iyo taakuleynta laamaha ammaanka dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahad celiyey Qaramada midoobay sida hagar la’aaneed ee ay uga qeyb qaataan Horumarka dalka iyo taageerada ay siiso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...