Eng: Yariisoow oo kulan la qaatay Justin Duo Gore

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Agaasime Gobolleedka Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika Mudane Justin Duo Gore ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo wacyi-gelinta ku saabsan hannaanka ay dadka Gobolka Benaadir u soo dooranayaan goleyaasha degmooyinka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada goleyaasha degmooyinka ay kala kaashanayaan khubarada Soomaaliyeed iyo xarumaha cilmi baarista heer caalami, si looga mira dhaliyo hiigsiga ku aaddan dimuqraadiyad horumarsan oo ka tarjumeysa go’aanka dhabta ah ee shacabka Gobolka.

“Dadaalladeenu waxa ay ku qotomaan sidii aan u hirgelin lahayn in bulshada Gobolka Benaadir ay soo doortaan goleyaasha degmooyinkooda si wada shaqeynta loo xoojiyo.” Ayuu yiri Eng Yarisow.

Khubarada Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika ee soo garay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin in aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka ay la wadaagaan Bulshada Gobolka Benaadir, iyagoona ku bogaadiyey Maamulka Gobolku sida ay uga go’antahay hirgelinta golyaasha degmooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

CXD oo howlgal ka fuliyay Buula Madiina oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa...

Eighth CIIE sees 80% more African exhibitors from a year ago.

The 8th China International Import Expo (CIIE) marks the...

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...