Wasiir beyle“Haddii sida aynu wax u wadno u socdaan waxaa suurta gal ah in12 bilood gudahood Soomaaliya deymaha looga cafiyo”

Date:

Muqdisho(SNTV):–Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Waashitoon oo looga hadlayay arrimaha lacagaha ayna soo qaban qaabiyeen Bangiga aduunka iyo hey’addaha IMF ayaa sheegay in ay macquul tahay 12 bilood gudahood in Soomaaliya looga cafiyo dhammaan deymaha ay ku leedahay Beesha Caalamku.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da  ayaa tilmaamay in wada shaqeyn fiican ay ka dhaxeyso Wasaaaradda iyo Hey’adda IMF, isaga oo intaas raaciyay in Soomaaliya ay seddax meelood labo meel ku guuleysatay shuruurdihii la hor dhigay haddana ay ku jiraan dhammeystirka howsha.

“IMF iyo Bangiga aduunka waa ay ku qanceen sida aan shaqada ku wadno, waxa ayna noo sheegeen in aan ka soo baxnay balantii aan wada galnay, waxa ayna caddeyn doonaan in aan nahay waddan isbadal sameeyay, iyaga oo naga taageeri doona sidii Maalgashi iyo cafis deymaha ah aan u heli lahayn” ayuu yiri Wasiir Beyle”.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Midowga Yurub ay lasoo xiriireen kuna wargaliyeen in 100 Milyan ay Soomaaliya ku taageerayaan si miisaaniyadda dowladda loogu kabo, arrintanna waxa ay ku timid markii IMF iyo World Bank ay ammaaneen hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Beyle oo wax laga weydiiyay sababta ay Soomaaliya kaalinta koowaad uga jirto wadamada musuqmaasuqa uu ka jiro ayaa ku jawaabay in IMF iyo qolada qiimaynta sameysa ay kala duwan yihiin, qiimeyntii ugu dambeysay ee soo baxday ayuuna wasiirku tilmaamay in ay Mala awaal tahay oo ay heystaan cabirkii hore ee Soomaaliya ay ku sugneed laakiin qolada wax qiimeysa aysan isku hawlin in ay baaris cusub sameeyaan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay sanadkii lasoo dhaafay in ay bixiso dhammaan mushaarkii shaqaalaha waxaa kale oo ay ku guuleystay in ay yareyso musuqmaasuqa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...