Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye iyo sidoo kale ย Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, isagoona ka codsaday in ay si hufan u gutaan waajibkooda dar dargaliyaana howsha loo igmaday
Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaah Shacabka.
Waxaa kulankaย soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabd Wali Ibraahim Sheekh Muudey, wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay sida ugu dhaqsiyaha badan howshooda u soo gabagabeeyaan mudada kooban ee u harsan.