Gudoomiyaha Aqalka sare oo kulan sagootin ah u sameyay Madaxda Barlamaan Gobolleedyada

Date:

Casho sharaftaan uu guddoomiyaha  Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd mid sagootin iyo dar daaran ah.

Cashada kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyagoo u mahadceliyay gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan iyo Hirgalinta Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa ka hadlay  waxqabadkii mudada labada maalmood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale guddoomiyaha Guddiga la socodka ,dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa balan qaaday isagoo ku hadlay magaca madasha gudiyada dastuurka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed in ay u dhabar adeegi doonaan dhamaystirka dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in howsha ay  gacanta ku hayaan lagu taageeri doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...