Shir looga hadlayo Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Date:

Shirka looga hadlayo Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo maanta ka dhacay Muqdisho waxaa ka qeyb galay madax katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana madaxda ka qeyb galeysa shirka hadal soo dhaweyn ah u jeediyey Sii hayaha wasiirka, ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis.

Shirka oo wali socda ayaa waxaa Kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka JFS Mudane Mahadi Maxamed Guuleed,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yarisow, Senitor Amina Xasan Adan, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Qaranka, Madaxda UNISCO iyo hey adaha Madaxa Banaan ee warbaahinta Qaybahooda Kala Duwan.

Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis oo furitaanka kulanka hadlay ayaa uga mahad celiyey dhinacyada ka qeyb galay shirka sida ay u ajiibeen ka qeyb galka shirkaan iyo waqtigooda qaaliga ah oo ay usoo hureen.

Sidoo kale wasiir C/raxmaan iidaan Yoonis ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey  UNISCO kaalinta muhiimka ah oo ay ku leedahay shirkaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...