Wabiga Jubba oo ku fatahay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Date:

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Fatahaad uu ka sameeyay Wabiga Jubba degmada Luuq ee Gobolkaasi saameyn ku yeeshay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan degmadaasi.

Biyaha Fatahaada ayaa waxay gabi ahaanba cagta mariyeen dalagyada ay beerteen dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan degmada Luuq.

Qaar ka mid ah dadka Beeraleyda ee dalagyadooda ku waayay Fatahaada uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa sheegay iney khasaaro badan ka soo gaartay Fatahaada,islamarkaana ay baabi’iyeen waxyaabihii ay beerteen.

Waxayna intaasi ku dareen dadka beeraleyda ah iney ku shukrinayaan nimcada Alle,waxaa sanadihii ugu danbeeyay dalka saameyn ku yeeshay abaaro dad iyo duunyo badan galaaftay.

Fatahaada uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa imaanaya, xilli roobab badan ay ka da’een Gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.

Dhanka kale,Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar,waxaana socda dadaalo ay wadaan maamulka Hirshabeelle iyo Shacabka oo iskaashanaya si loo xiro buqatada uu ka baxsaday Wabiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...