Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta cusub Degmada Heliwaa

Date:

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaaadda Gobolka Mudane Maxamed Cadullaahi Maxamed ( Tuulah) ayaa xariga ka jaray Xarunta Degmadda Heliwaa oo dhawaan Dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyay.

Dib u dayactirka Xarunta Degmada Heliwaa oo ay si isku tashi ah u dhisteen Shacabka iyo Maamulka Degmadaasi ayaa waxaa ku simaha duqa Magaalada uu kula dardaarmay in bulshada ay ilaashadaan goobaha danta guud ee laguu shaqeeyo.

Mudane Tuulax ayaa u balan qaaday in Guddoomiyaha degmada Heliwaa lagu abaal marin doono waxqabadka uu la yimid, isagoo guddoomiyeyaasha kale ugu baaqay inay ku daysadaan Maamulka Degmada Heliwaa oo soo bandhigay isku tashi ay ku guuleysteen inay dib u habeyn ku sameeyaan xarunta degmada.

Dhinaca kale, Xarunta Degmadda Heliwaa ayaa lagu qabtay maanta Shirka isbuuclaha ah ee Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Maamulka Sare ee Gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay shirkaasi sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka ay roobabka u geysteyn bulshasa Caasimadda.

Ku-simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Tuulax, ayaa sheegay in shirka Degmooyinka maalinba degmo lagu qaban doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...