Xarun Waxbarasho Islaami ah oo soomalida ku nool dalka turki leeyihiin ayaa laga hirgaliyay Magallada Istanbul

Date:

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayo Dugsi lagu barto Qurโ€™aanka Kariimka ayaa waxay ka dhacday magaalada Istabul ee dalka Turkiga,waxaana ka qeyb galay culimaaโ€™udiin,Waalidiin iyo Masโ€™uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Macallimiinta Dugsiga lagu baranayo Qurโ€™aanka Kariimka ah ee laga hirgeliyay Xaafada Bashakshahir ee dhacda Waqooyiga Istanbul oo ugu horeyn munaasabada furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in Dugsigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Turkiga.

Walidiinta ayaa dhankooda aad usoo dhoweyay in Caruurtooda ay helaan goob ay ku bartaan Qurโ€™aanka Kariim.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Turkiga Sheekh Maxamed ayaa tilmaamay in Soomaalida ku nool Dalka Turkiga Horumar Wanaagsan gaareen.

โ€œRuntii Maanta waxaan gaarnay Horumar aad u weyn, waxaana furmay Xarun aad u muhiim noogu ah taas oo ay ku baranayaan Caruurta Soomaaliyeed, Muddo dheer ayaan ku soo jirnay sidii aan Xaruntaan furilaheynโ€.ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...