Xarun Waxbarasho Islaami ah oo soomalida ku nool dalka turki leeyihiin ayaa laga hirgaliyay Magallada Istanbul

Date:

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayo Dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka ayaa waxay ka dhacday magaalada Istabul ee dalka Turkiga,waxaana ka qeyb galay culimaa’udiin,Waalidiin iyo Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Macallimiinta Dugsiga lagu baranayo Qur’aanka Kariimka ah ee laga hirgeliyay Xaafada Bashakshahir ee dhacda Waqooyiga Istanbul oo ugu horeyn munaasabada furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in Dugsigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Turkiga.

Walidiinta ayaa dhankooda aad usoo dhoweyay in Caruurtooda ay helaan goob ay ku bartaan Qur’aanka Kariim.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Turkiga Sheekh Maxamed ayaa tilmaamay in Soomaalida ku nool Dalka Turkiga Horumar Wanaagsan gaareen.

“Runtii Maanta waxaan gaarnay Horumar aad u weyn, waxaana furmay Xarun aad u muhiim noogu ah taas oo ay ku baranayaan Caruurta Soomaaliyeed, Muddo dheer ayaan ku soo jirnay sidii aan Xaruntaan furilaheyn”.ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Federaalka...

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane...