Kooxda Nolal Diidka ee Al-shabaab oo Qarxiyay Dhalinyaro kubad ciyaareysay

Date:

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay garoon ku yaal Magaalada Baraawe oo  lagu ciyaarayey ciyaar kubada cagta ah oo sami-finaal ahayd.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen kudhawaad 10 kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaalada Magaalada Baraawe.

Gudoomiyaha ayaa  sheegay Qaraxaan inay ka dambeeyaan Maleeshiyaadka Arxanka daran ee Al-Shabaab, isaga oo intaa raaciyay in Hay’adaha ammaanka ay ku daba jiraan Kooxdii falkan ka dambeeyay, ayna rajeynayaan inay gacanta ku soo dhigaan.

Degmada Baraawe ayaa waxaa maalmahan ka socday Tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay Kooxo ka dhisay degmadaas.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa si aan kala sooc lahayn dhibaato Xoogan ugu geysta shacabka Soomaaliyeed ayagoo fulinayo dano guracan isla markaana ka been sheegayo diinteena suuban ee Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...