Kooxda Nolal Diidka ee Al-shabaab oo Qarxiyay Dhalinyaro kubad ciyaareysay

Date:

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay garoon ku yaal Magaalada Baraawe oo  lagu ciyaarayey ciyaar kubada cagta ah oo sami-finaal ahayd.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen kudhawaad 10 kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaalada Magaalada Baraawe.

Gudoomiyaha ayaa  sheegay Qaraxaan inay ka dambeeyaan Maleeshiyaadka Arxanka daran ee Al-Shabaab, isaga oo intaa raaciyay in Hay’adaha ammaanka ay ku daba jiraan Kooxdii falkan ka dambeeyay, ayna rajeynayaan inay gacanta ku soo dhigaan.

Degmada Baraawe ayaa waxaa maalmahan ka socday Tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay Kooxo ka dhisay degmadaas.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa si aan kala sooc lahayn dhibaato Xoogan ugu geysta shacabka Soomaaliyeed ayagoo fulinayo dano guracan isla markaana ka been sheegayo diinteena suuban ee Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah...

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Mas’uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud...