Shirka wadatashiga wasaarada warfaafinta iyo warbaahinta madax banaan oo ka furmay garoowe

Date:

Wajiga labaad Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah maamulka Gobalka Banaadir iyo warbaahinta Madaxabanaan ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedlka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/xakiin Xaaji Camay ayaa si rasmi ah u furay shirkaan oo socon doona mudo Afar maalin ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa madaxda ka socota wasaaradaha Warfaafin dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada kula dardaarmay isku duubni iyo in la sameeyo wacyigalin iyo tababar joogta ah oo ay helaan dhallinyarada Suxufiyiinta.

Shirkaan ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadli doonaa iskaashiga iyo horumarinta warbaahinta dalka, sida uu sheegay sii haayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS qeybgalay shir heer Wasiirro ah oo dalalka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 3rd Congress...