Wasiirka Gaashaandhiga xukumada soomaaliya oo shaaciyay ciidamada Imaaraadka tabaray in dowlada la wareegtay

Date:

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Ciidamada ay tababarka siisayaan Dowlada Imaaraadka si buuxda ula wareegi doonto Dowlada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in qorshahooda la diyaariyay isla markaana lagu kala dari doono Guutooyinka Ciidanka Xoogga dalka uu leeyahay.

“Dowlada Soomaaliya guud ahaan ciidamada oo dhan xil ayaa ka saaran Ciidamada Imaaraadka tababaray qorshahooda waa la diyaariyay, Numberadooda waa la diyaariyay haduu alle yiraahdo Guutooyinka ayaa lagu kala dari doonaa, dowlada Soomaaliya ayaana la waraageysa, waxaana lagu aadin doonaa Munaasabada dabaal daga 12April”. Ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaaliya ay masuuliyad ka saaran tahay Xaquuqda dhamaan Ciidanka, ayna waajib ku tahay inay bixiso Mushaaraadkooda, isagoo u mahad celiyay Dowlada Imaaraadka.

“Anaga ka dowlad ahaan waajibkeena waxa waaye inaan kaafaalad qaadno inaan ciidankeena mushaar siino masuuuliyadeena maaha inaan dad kale ku dhibno, waan kaga mahad celineynaa dowlada Imaaraadka Tababarka ay siiso ciidamadeena iyo garab istaaga hagar la’aanta ah”

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay diyaar garow ugu jiraan u dabaal daga sanad guudara 58-aad ee aas aaska Ciidanka Xoogga dalka oo ku began Maalinta beri ah oo Taariikhda ay tahay 12-April, waxaana uu sheegay in ciidanka ay sameyn doonaan Dhoola tus iyo Tababar.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...