sii hayaha wasiirka warfaafinta xukumada soomaliya oo garoowe shir warbaahinta madaxa banaan ka qeyb galaayo

Date:

Wafdigaan, ayaa  waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ,Bahda warfaafinta Soomaaliyeed sida wasaaradaha warfaafinta Maamul Gobaleedyada dalka ,Madaxda warbaahinta dowlada iyo ururada saxaafadda ee Madaxa Banaan, uuna Horkacayay siihayaha wasiirka warfaafinta  Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis, waxaana ku soo Dhoweeyayay Garoonka diyaaradaha ee Kanoco Madaxda wasaaradda warfaafinta Puntland ,wasiiro iyo xunba Kala duwan,  waxayna Garoowe kaga qayb gali Doona shirkii labaad ee bahda warfaafinat Soomaaliyeed oo Garoowe ka furmi Doona .

Mudane C/Xirsi Cali Qarjab wasiirka warfaafinta is gaarsiinta Hidaha iyo dhaqanka  Dowlad goboleedka Puntland, ayaa ku soo dhoweeyay Madaxdaani kala duwan Puntland, xusayna in uu Garoowe ka furmi doono shir u Muhiim ah bahda warfaafinta iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya ahna wasiir ku xigeenka wasaraadaasi Mudane C/rixmmaan Iidaan Yoonis, ayaa ka Mahad celiyay Soo dhowaynta Garoowe loogu sameeyey,  siina raaciyay in uu Garoowe ka furmi Doono shirkii Labaad ee ay yeelan Doonaan Bahda Warfaafinta Soomaaliyeed, kaasi oo daba socda shir sanad ka hor la qabtay.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu socdo Muddo afar barri ah, kaasi oo ay yeelan doonaan Madaxda ka qayb galaysa shirkaani Doodo ,wada tashiyo iyo kulama gaar gaar ah oo loogaga arinsanayo Horumarinta iyo iskaashiga wasaarada warfaafinta Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradaha warfaafinta ee Maamul gobaleedyada dalka iyo horumarinta warbaahinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...