Duqa Muqdisho oo Ankara kula kulmay Mas’uuliyiin dowlada turki

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga, ayaa kulamo la qaatay Xoghayaha guud ee dawladaha Hoose ee Turkiga iyo masuuliyiin kale.

Mudane Yarisow oo weheliyo Guddoomiye ku xigeenka Marwo Basma Caamir Ahmed, safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Jaamac Abdullahi Ceydiid iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Dawladaha Hoose Turkiga, Mudane Hayrettin Gungor, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda bisha Cas ee Turkiga iyo waaxda dhismaha jidadka u qaabilsan magaalada Ankara oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta Muqdisho.

Guddoomiyaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Maamulka, Ganacsato iyo howl-wadeennada Gobolka Benaadir, ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu xoogga saari doonaa, sidii ganacsatada dalkaas ay u maalgashan lahaayeen Gobolka Benaadir, xoojinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay magaalooyinka dalkaas, dar dar gelinta arrimaha iskaashiga,tababarrada, tayeynta shaqaalaha Gobolka Benaadir iyo isdhaafsiga khibradaha maamul ee labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...