Duqa Muqdisho oo Ankara kula kulmay Masโ€™uuliyiin dowlada turki

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga, ayaa kulamo la qaatay Xoghayaha guud ee dawladaha Hoose ee Turkiga iyo masuuliyiin kale.

Mudane Yarisow oo weheliyo Guddoomiye ku xigeenka Marwo Basma Caamir Ahmed, safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Jaamac Abdullahi Ceydiid iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Dawladaha Hoose Turkiga, Mudane Hayrettin Gungor, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa la kulmay madax ka tirsan Hayโ€™adda bisha Cas ee Turkiga iyo waaxda dhismaha jidadka u qaabilsan magaalada Ankara oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta Muqdisho.

Guddoomiyaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Maamulka, Ganacsato iyo howl-wadeennada Gobolka Benaadir, ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu xoogga saari doonaa, sidii ganacsatada dalkaas ay u maalgashan lahaayeen Gobolka Benaadir, xoojinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay magaalooyinka dalkaas, dar dar gelinta arrimaha iskaashiga,tababarrada, tayeynta shaqaalaha Gobolka Benaadir iyo isdhaafsiga khibradaha maamul ee labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...